Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xubno ka socda Garsoorka Soomaaliya oo Aqoon-kororsi loogu soo xiray Beijing
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xubno ka socda Garsoorka Soomaaliya oo Aqoon-kororsi loogu soo xiray Beijing
GudahaWararka

Xubno ka socda Garsoorka Soomaaliya oo Aqoon-kororsi loogu soo xiray Beijing

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 22, 2023
2 Min Read
Share

Beijing,(SONNA):- Waxaa si habsami leh magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha ugu soo idlaaday aqoon-isweydaarsi loo qabtay mas’uuliyiin ka socda Garsoorka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda xiritaanka lagu qabtay xarunta Maxkamadda sare ee Dalkaas.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa kobcinta garaadka,iskaashiga iyo sare u qaadista xiriirka dhanka Garsoorka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaanna isugu yimid khubaro dhanka sharciga oo ka kala socda labada Dalka.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf iyo wakiilo ka kala socday Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masโ€™uuliyiin oo ay ka mid yihiin Mudane Liu Guixiang oo ah xubin joogta ah oo ka tirsan guddiga cadaaladda iyo Garsoorka ee Maxkamadda Sare ee Shiinaha iyo Danjire Cawaale Cali Kullane, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, wuxuuna Danjiruhu u mahadceliyay 19- xubno ee ka socday garsoorka Soomaaliya ee ka qeyb galay aqoon kororsigan.

Wuxuu Danjiruhu qiray inay ka goโ€™an tahay kobaca xirfadda iyo sida ay ugu heelan yihiin horumarinta sharciga dalka. Wuxuunna sheegay in uu ku kalsoon yahay aqoonta iyo xirfadda lagu bartay inta uu socday siminaarka ay wax weyn ka tari doonto xoojinta garsoorka iyo cadaaladda Dalka.

Sidoo kale, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha ayaa iftiimiyay sida wanaagsan ee ay u wada shaqeeyaan Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo uga mahad celiyay Mudane Liu Guixiang oo Shahaadooyin guddoonsiiyay guddoonsiiyay ka qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga.

Ugu dambeyn, aqoon kororsigan loo qabtay masโ€™uuliyiinta Garsoorka Soomaaliya ayaa ahaa madal muhiim ah oo la isku dhaafsado aragti iyo wadashaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Shiinaha. Iyadoo loo abuurayo fursado xirfadlayaasha sharciga ah si ay u wadaagaan hab-dhaqanka iyo khibradaha ugu wanaagsan, waxayna madashan dhabaha u xaaray nidaam garsoor oo xoog badan, caddaalad ah, oo hufan oo labada waddan ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay shirka Soomaaliya iyo dalalka safka hore

MUQDISHO-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliyaย  ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya…

GudahaWararka
January 31, 2023

G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali…

GudahaWararka
July 11, 2025

Wasiirka difaaca Jabuuti oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda…

GudahaWararka
January 30, 2023

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo sheegtay inay gargaar u diyaarisay deegaanada Khawaarijta laga saarayo

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hayโ€™adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaliyed mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu booqday Baqaarka kaydka xarunta…

GudahaWararka
August 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023