Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xoraynta Aadan yabaal waxay halbeeg u tahay guusha laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaariijta. (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xoraynta Aadan yabaal waxay halbeeg u tahay guusha laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaariijta. (Warbixin).
GudahaMaqaalladaWararka

Xoraynta Aadan yabaal waxay halbeeg u tahay guusha laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaariijta. (Warbixin).

By Bile
Last updated: December 14, 2022
5 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Dhawaan waxaa deegaannada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ka bilowday safaro ay gobolada iyo degmooyinka maamulkaas isaga kala gooshayaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya, Ra’iisul wasaraaha Xukuummadda Federaalka iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxda ayaa waxay safaradooda kaga soo kala baxeen Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Jowhar, kuwaasi oo safar dhulka ah ku soo maray deegaanno badanย  oo dib looga xoreeyay Malaashiyaadka Kooxda Khawaarijta, iyagoo bar kulankoodu ahaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, ahna Xaruntii ugu weynad ee kooxda khawaarijta u ahayd Saldhiga gobolka Shabeellaha dhexe iyadoo madaxdu halkaas shirar ku wada qaateen xilliyo kala duwan tan iyo markii guusha laga gaaray Kooxdii caburinta iyo baadda ku haysay Deeganada laga xoreeyey Khawaariijta. masuuliyiinta safarka dhulka soo maray keliya kuma koobna inta aan xagga sare kusoo xusnay balse waxa iyagu a dhankooda safaro ku tegay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Xoogga Dalka, Guddoomiyaasha Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Taariikhda degmadda aadan yabaal:

Hadaan soo qaadannoย  taariikhda Degmada Aaden yabaal oo kooban:- Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan degmooyin gobolka Sh. Dhexe, waxayna ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee ku yaala shabeellada dhexe, degmadaani waxay leedahay taariikh dheer oo soo jireen ah,ย  waxaa ku yaalla ceel ciid oo ka mid ah ceelashii ay ajuuraankii qodeen, balse duugoobay oo ciid uun laga saaray, Magaaladaan waxaa ka mid aheyd dhulalkii boqortooyadii Reer Yacquub ee xukumayay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxayna Magaalada Jowhar u jirtaa 90-km.

Degmadani waxaa lagu xasuustaa hal heysyo badan, waxaana ka soo qaadan karnaa AADEN YABAAL U SOO AROOR, ABAALNA KUUMA ERGANEE, waxaa kaloo ka mid ah waa la Aaden Yabaaleey, taasoo loola jeedo waa la musuqmaasuqay, waxa xusid mudan Degamaddani waa Xarun ganacsi oo isku xirta Gobolada dalka.

Safaradda madaxda iyo muhiimadda ay leeyihiin:

Safarka Madaxda ayaa ujeedkoodu ahaa in la muujiyo isku furaanta Deegaanaddii kala xirnaa, oo ay goโ€™doomiyeen Kooxdii Arxanka darrad ee Khaawaarijta, la iskuna wareystay halka looga sii jiheysan lahaa, waxaa kaloo ka mid ah muhiimadda safarka in la dhiirigaliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa Deegaanka ee xaq ku dirirka ah iyo in shacabka loogu bishaareeyo inay u timid Dowladdoodii, lana soo gaarsiin doono adeegyada aasaasiga u ah nolosha, maadaama aysan hadda ka jirin adeegayo ku filan, iyadoo Madaxweyne Xasan sheekh amray in deg deg loo hawl geliyo ceelashii biyaha oo khawaarijtu kala baxday bambooyinkii biyaha lagaga cabi jiray iyadoo dhammaan dib loo hawlgeliyey Ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Degmada Aaden Yabaal ayaa noqon doonta xaruunta bar-kulanka ee looga sii dhaqaaqo Gobolada kale sida Galguduud iyo Mudug, waxaana Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa xoreynta Deegaanada ay dhawaan la wareegeen Deegaanno kale oo hoos yimaada Degmada Aaden Yabaal, waxaana ka mid ah Deegaanka Alkhawthar, waxaana dhawaan dib lagula wareegi doonaa Degmada Ruun-nirgood, taaso oo ka dhiman Degmooyinka Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale waxaa la filaa in Adeegyada asaasiga u ah noolaha laga hirgalin doono Deegaanada lagaย  xoreeyay kooxda Khawaarijta, sidaasi awgeed ayuu Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin kuwaas oo ay ugu horreeyaan adeeg caafimaad, saldhig Booliiska, Waxbarasho, habeynta Ceelasha Biyaha.

Safarka maanta ee Ra’iisul wasaaraha:

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmadda Aadan yabaal iyadoo halkaas ay kusoo dhoweeyeen Dadweynaha degmadda,masuuliyiinta gobolka Shabeellaha dhexe iyo masuuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle,Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaybaha bulshadda ee kala duwan isagoo si gaar ah ugu kuur geli doona xaaladda nololeed ee dadweynaha.

SONNA Editorial.

TAGGED:Xoraynta Aadan yabaal waxay halbeeg u tahay guusha laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaariijta. (Warbixin).
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la daah furay โ€œSAWIRROโ€

Muqdiso (SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ahna Guddoomiyaha maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Cabduqaadir Maxamed Maxamud โ€œCaanobooreโ€ ayaa maanta daah furay…

GudahaWararka
April 7, 2021

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daahfuray Masruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Masruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka. Mashuurcan oo ay…

GudahaWararka
August 21, 2024

Muxuu ka yiri Gerrard awoodda ciyaareed ee kooxda Liverpool & qaar ka mid ah xiddigaheeda?

Liverpool(SONNA)- Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa amaanay qaab ciyaareedka Reds uu hogaaminayo tababare Jรผrgen Klopp ay haatan ka…

CaalamkaCiyaaraha
October 13, 2019

Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka…

GudahaWararka
August 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023