Maxaas(SONNA)–Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Kooxda argagaxisada Al-shabaab looga sifeyn lahaa Waddooyinka u dhaxeeya deegaanada Moqokori iyo Maxaas oo maleeshiyada Alshabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar, ayna dadka shacabka kaga qaataan Xoolo baad ah.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in arxan-laawayaasha Al-shabaab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) neef oo Ari ah oo ay dadka Shacabka ka dhaceen, iyadoo ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen Xoolahaasi, waxaana la qorheynayaa in Xoolahaasi Dadkii lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen.
Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeya tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori, si ay sugaan ammaan Deegaanadaasi.