Cadaado (SONNA):-Deegaanka Kayn ooย 35-km dhinaca koofur bari ka xiga Caddaado, ma helin labadii xilli roobaad ee ugu dambaysay, Waxaana abaarta ka jitaa ay saamaysay dad iyo duunyaba.Deegaankaan malahan wax Ceelbiyood ah, waxaa ay ย ku tiirsanyihiin dadka laasaska gacanta lagu qoday oo laga helo biyo yar hadana aan nadiif aheyn .
Xoolaha oo jiilaalku raggaadiyay ayaan laheyn Cad, Caano,Beec toona, taas oo si adag u saamaysay xoola dhaqatada, sida uu sheegay Xuseen Maxamuud Cabduule.โAnaka oo ah xoolo dhaqato ayaan nahay xoolihiina waa u jeedaa sida ay yihiin, sanad ayaa noogu dambaysay inay noo daโaan roobabka, waxaan kunool nahay wax nagula taakuleeyo โ ayuu yiri Xuseen.
Kayn iyo deegaanada ku dhaw malahan adeeg Caafimaad, waxaa bukaanada la soo qaadaa Caddaado, taas oo xaaladda uga sii dari karta, sida uu sheegay Cabdi Xoosh Cismaanย guddoomiyaha deegaanka Kayn.
Waxa uu ka codsaday maamulka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya inay soo caawiyaan bulshada deegaankan, oo si adag abaartu u saamaysay
ย ย ย ย ย ย ย ย