Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
    Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya
    July 22, 2025
    Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed
    July 22, 2025
    Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xogta Jabka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xogta Jabka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Xogta Jabka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 18, 2023
9 Min Read
Share

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dalka Costa Rica kuwaasoo sheegay inay gacanta ku dhigtay nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Argagixisada Shabaabka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdinuur Axmed. Eedeysanaha oo la xiray 30-kii bishii tagtay, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa agagaarka xarunta daryeelka ku meel gaarka ah ee dadka soo galootiga ah (CATEM) ee aagga koonfureed ee dalka Costa Rica, oo qiyaastii 10-km u jirta xuduudda Dalka Panama.

Masโ€™uuliyiinta Costa Rica ayaa sheegay in ay digniin caalami ah ka heleen Xafiiska Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ee Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Mario Zamora, โ€œNinkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshihiisa kooxaha argagixisada,โ€ ayuu yiri Zamora. Dowladda Costa Rica ayaa sheegtay, in Cali Cabdinuur Axmed loo wareejiyay magaalada San Josรฉ โ€œisagoo la marsiin doono nidaam masaafurin ah, Ninkaan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu kamid ahaa boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid Panama, kuna sii jeeday dalka Mareykanka, xogtaan waxaan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo ku sugan magaalada Helsinki ee Dalka Finland.

waxaa kaloo jira Maxaa keenay sare u kaca isku Dhacyada Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka?. Xogo Amaan oo sugan ayaa xaqiijinaaya in Bilihii Oktobar iyo Novembar ee Sanadkaan ay sare u kaceen isku dhacyada hubeysan ee Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaan, iyadoo dadaalo nabadeed oo laga dhex waday ay guuldareysteenโ€ฆ

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Bilihii Ok/Nov ee 2023 ay 13-jeer ku dagaalameen Maleeshiyaadka daacada u kala ah Horgalada Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo Mahad Warsame Qaley (Karatee) Madaxa Amniyaadka, Intii uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda, Hogaanka Shabaabka wuxuu si jilicsan u maamulaayay degaano badan isagoo lagu eedeeyay inuu isku koobay maareynta canshuuro (Baad), Abuu Cubeyda xaruntiisa dhexe uu ka howlgali jiray ay aheyd magaalada Jilib, wuxuuna isku wareejiyay Horjoogayaal jufadiisa ah iyo kuwo ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya. Muddadii uu xilka hayay wuxuu kala kulmay caqabado Adag, Horgale Mahad Warsame (Karate), taasoo keentay iska hor imaadyo gacan ka hadal ah oo ka dhex dhacay labada Garab.

Khilaafka iyo gacan ka hadalka gudaha ee kooxda ayaa sii xoogeysanayay, gaar ahaan tan iyo markii uu bilowday Ololaha iyo Howlgalka ka hortagga kooxaha nabad-diidka ah dabayaaqadii Agoosto 2022, Mashruuca goobaha colaadaha hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ayaa diiwaan geliyay 13 iska horimaad gudaha ah oo Maleeshiyaadka labada Horgale ee Shabaab ah tan iyo dabayaaqadii Disembar sanadkii 2022-kii kaa soo geystay dhimashada 80-maleeshiyo.

Isku dayo badan oo ay garwadeen ka ahaayeen Horjoogayaal ka yimid Afganistan iyo kuwa ka soo jeeda Degaanada Waqooyiga Soomaaliya ayaa ku guuldareystay inay xakameeyaan xiisadaan u dhaxeysa labada Horjooge, iyadoo Iska horimaadyadaan ay wiiqeen awoodii kooxda qarkana u saarneen inay laba garab u kala jabaan, iyadoo badi ay ku dagaalameen Degmada Jilib, buundada Kamsuuma iyo Degmada Saakow.

Dhinaca kale Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabab, Koonfuurta Soomaaliya. Howlgalkan ayaa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana horjoogaha la beegsadey u qaabilsanaa Khawaarijta abaabulka dagaallada. Waa tallaabo kale oo Dowladda Federala Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in ay Duqeyniย  ka dhacday bishan bilowgeedii magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah Xarunta dhexe ee kooxda Argagixisada shabaabka, iyadoo Duqeyntani ay geysatay Diyaarad Drone oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka taasoo Gantaalo ku garaacday dhisme ku yaala Magaalada, waxaana la sheegay inay ku sugnaayeen Horjogayaal ka tirsan Kooxda, ilaa hadda Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Dowlada Federaalka.

War ay soo saartay Dowladda Maraykanka maanata ayaa lagu sheegay in ku-xigeenka Horjoogaha Kooxda Al-shabaab oo lagu magaacabo Daahir aaden Cali ay Madaxiisa dul saartay lacag gaaraysa 5 Malyan oo Doolar, lana siin doono ciddii far muuqda ama tilmaanta ama soo sheegata xogtiisa, si loo soo qabto ama loo khaarijo. Ninkan ayaa markii hore kala soo shaqeeyay dhinaca Madaxa Ciidamada iyo xilal kale, kadibna loo dalacsiiyay inuu noqdo ku xigeenka horjooge Axmed Diiriye oo ah horgalka ugu sarreeya Kooxda ku xiran Shabakadda Al-qaacidda.

Xog goor dhow la helay ayaa sheegaya in lagu arkay meel u dow Deegaanka Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarjta ah, kuwaasi oo la sheeagay inay ka soo baxeen meelihii ay kaga sugnaayeen Koonfurta gobolka Mudug, lama garanayo sababta ay uga soo baxeen meelihii ay kaga sugnaayeen Gobolka Mudug, waxaase loo badinayaa inay yihiin Gadood.

Haddaannu eegno dhinaca howlgallada Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab. Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa shalay howlgalo lagu guuleytay ka fuliyay goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay Degaannada kala ah:- Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray shalay galab. Guutada 24-aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyin ka baxa Degmadaasi Ruun-nirgood.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa Burburiyay Difaacyaddii kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee Degmooyinka Ceeldheer & Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin Deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Maraay suuleey ee Gobolka Galguduud, si uu SONNA u sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka ka soo jeeda Degmada Ceeldheer Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta, Howlgalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taasi oo lagu beegsaday Gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd koonfurta gobolkaasi. Saldhigyadaasi oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Caadooley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaasi. Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay sheegeen, waxayna ku sii siqaya Aagga buurta Yacgoos, halkaasi ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay

Baydhabo,(SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo xiray shir u qabsoomay madaxda waxbarashada ee dalka

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax…

Gudaha
June 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laammaha Amniga…

GudahaWararka
August 3, 2024

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qaybgalay bandhigga warbixinta saboolnimada dalka

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu…

GudahaWararka
December 18, 2024

Al-shabaab oo Qaraxyada u adeegsada Baabuurta ay dhacaan (WARBIXIN)

Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay geystaan khasaare isugu jira naf iyo…

GudahaMaqaallada
October 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023