Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)
Maqaallada

Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 12, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Argagixisada dhibaatada adag ku haysay dalka muddooyinkan waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay howlgallada socda oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo shacabka ka kacay dhagarta Khawaarijta Al-shabaab.

Iskaashiga Shacabka iyo ciidamada waxay keentay in deegaanno badan laga saaro maleeshiyada kooxda, iyadoo Bulshadii loogu tegey goobihii la qabtay laga dareemayo dhibaatadii ay ku jireen in ka badan 14-sano.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ugu sareyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay wadaan tallaabooyin lagu dhiiragelinayo Shacabka si loo sii wado howgalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

“ Annaga meesha aan joogno inaan horay uga sii socono ma ogiyee, meel hadda noo qorsheysan oo gadaal uga laabano ma jiro, mar haddii aan u adeegeynno qarabkeenna, oo mar aan u adeegeynno Bulshadeynii, oo mar aan u adeegeynno annaga shaqsiyadeenna sidii ay u nabad geli lahayd, nafteenna, sharafkeenna, maalkeenna iyo cisigeenna halkee uga noqon karnaa, xaq aan u diriri lahayn oo intaas nooga horeeya maa jira, haddii ay cid tahay in laga badbaadiyo Diinta Islaam, waxaa in laga badbaadiyo u baahan nimankan Khawaarijta ah ee afka duuban,” ayuu yiri Generaal Odawaa Yuusuf Raage.

Shacabka ciidanka garabka u ah wali waxay u caaboon yihiin sidii wadanka ay uga qaban lahaayeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo banneystay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

“ Nin walba dan ayuu lahaa waxa meeshan ina keennay rag iyo dumar waa inaan iska dhicino Al-shabaab, waa inaan Al-shabaab iska celino, wax uu inoo reebtay ma jiro, diyaar baanu u nahay inaan qaadanno kaalinta ummadda Soomaaliyeed ay ka qaadaneyso nimankaas diyaar baanu u nahay, ciidankana waxay u diyaar-garowbeen deegaannada oo dhanna kormeer ayaa ku soo marnay,”.

“ Culeyska ay nagu hayaan ayay walaalaheenna ku hayaan inaan ka dul qaadno, oo ka daba tagno oo iyaga aan la kaashano inaan diyaar u ahaanno ayaa la rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo qoriga u qaatay dagaalka Khawaarijta.

Waxaa hadda socda qorsha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kaas oo la doonayo in dalka guud ahaan looga xoreeyo argagixisada, waxaana kaalin weyn ka qaadanaya shacabka Soomaaliyeed oo doorar kala duwan ka qaadanaya sidii loo ciribtiri lahaa dhaqar qabayaasha Al-shabaab.

“halkan lama joogayo, waxaan rabnaa inaan 30-qof kaga tagno, soo xero weyn ma ahan xeradan, in la socdaan rabaa oo waddan furno oo dadka noo yeerayo aan u tagno Shabaabna ka dul qaadno,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ciidanka qaranka kula hadlayay deegaanka Jannaay cabdalla.

Muddo dhowr iyo toban sano ah, qeybo ka mid ah dalka waxaa ku habsaday argagixiso sidii Ayaxa beer galay bulshada Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ay dileen, kuwo hantidooda ay boobeen iyo kuwo ay badeen cabsi iyo argagax,balse iminka shacabka oo Dowladda kaashanaya waxay go’aansadeen in ay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta si uga nastaan dhibkooda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Kiis lala yaabay oo Maxkamadda Gobolka ka dhacday (WARBIXIN)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay  in dagaal…

GudahaMaqaallada
September 25, 2024

Maxay yihiin astaamaha Nebigeenna sheegay ee muujinaya in Al-shabaab yihiin Khawaarij?

Muqdisho.(SONNA):- Waa hubaal in maqalka dhegahaaga ku batay kalmadan (Khawaarij), haba ugu badnaato waayahan oo uu labo lixaadsaday Jihaadka dalka…

Maqaallada
January 29, 2023

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa…

GudahaMaqaallada
October 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023