MUQDISHO (SONNA)- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr.Mohamed Ibrahim Nuur ayaa maanta guddoomiyay shir ay ka soo qeyb galeen agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha kala duwan ee dalka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta howlaha wasaaradaha iyo adeegyada ay bulshada u hayaan xilligan uu dalku doorashada ku jiro.