Kampala-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Kampala ee dalka Yugaandha shirka waddamada dhex-dhexaadka ah oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.
Shirka ayaa looga hadli doonaa sare u qaadidda siyaasadda iyo horumarinta Ururka ay ku mideysan yihiin waddamada dhex-dhexaadka ah, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda JFS Xamse Aadan Xaadow oo shikaasi ka qayb galay ayaa ka war bixiyay dhowr shir-madaxeed oo si is daba joog ah, kuwaas oo ka socda Magaalada Kampala.
Shirarka ka socda Kampala ayaa waxaa ka mid ah kulan looga jawaabaya duullaanka qaawan ee Itoobiya ay ku soo qaadday dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya kaas oo dhici doona 18-ka bishan.
Xoghayaha ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan sidii ay waddamada gobolka ugu dhaadhicin lahaayeen gardarrada Itoobiya ay kusoo damaacineyso badda Soomaaliya.
Xoghaye, Xamse Aadan Xaadow ayaa sheegay in shirarka socda ay kusoo biiri doonaan maalamaha soo socda wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda ahna ku simaha wasiirka wasaaradda iyo madaxweynaha Qaranka.