Muqdisho-SONNA)-Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Antonio Guterres iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo ย dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya iyo madax kale.
Waa markii labaad ee uu xoghayaha guu ee Qaramada midoobay yimaaddo Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay 2017 , waxaana la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dalka ugu sarreysa.