Dooxa (SONNA): Xoghayaha guud ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeybgalay shirka guddiga fulinta ee xogayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo maanta ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Kulanka oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha guddiga Dr Axmed Fadaala ayaa waxaa lagu diyaarinayey ajendayaasha kulanka xubnaha guud ee xogayayaasha Baarlamaanka Jaamacada Carbata oo barri ka furmi doona magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay ka doodeen nidaamka asaasiga ah ee Jamciyadda oo dib u eegis lagu sameeyay, si ay u horgeeyaan xubnaha guud ee golaha Jamciyadda.