Muqdisho(SONNA):-Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo ay ku mideysan yihiin wadamada midowga Afrika ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.
Kulanka Baarlamaanka Afrika ayaa looga hadlay qodobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin, halku dhiga sanadkaan ee midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Isbadalka Cimilada, Waxbarashada, socdaalka, dhaqaalaha iyo Amniga, Waxaana si gaar ah looga hadlay dagaalada iyo iska hor imaadyada ka socda qaar ka mid ah wadamada Afrika.