Muqdisho-(SONNA)-Xildhibaannada iyo Odayaasha dhaqanka kasoo jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa dhiirrigalin iyo ballanqaadyo u sameeyay ciidanka xoreyntaย deegaannadaas.
Xildhibaan, Maxamed Abuukar Jacfar ayaa la dardaarmay ciidanka xoreynta deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dadka deegaanka dhaqan, shacab iyo siyaasiba u dhan yihiin laguna goโaansaday dagaal kama dambays ah in lagu qaado cadowga.
Nabad-doon, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda bariga Galgaduud ayaa Ciidanka ku booriyay in ay iska dul qaadaan heeryada argagixisada, wuxuuna intaa ku daray in ay ka goaโan tahay badbaadinta dadka halkaasi ku dhaqan.
Nabad-doon Xaad “Waxaa naga maqan dal iyo dad, waxaan rabnaa in aan awooddeena iskugu geyn siddii dadkaas iyo dalkaas aan ku soo ceshan lahayn”.
Nabad-doon Maxamed Xasan Xaad ayaa Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku wajahan Ceelbuur kula dardaarmay in ay yihiin mujaahidiin,dagaalka khawaarijtuna uu yahay waajib, sidaa daraaddeedna aan look ala harin maaddaama ay dalka, diinta iyo dhaqankuba cadow ku yihiin.
Xildhibaannada iyo Oadayaasha dhaqanka kasoo jeeda bariga Galgaduud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah haraadiga kooxda khawaarijta ee haatan ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah bariga Galgaduud.