Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo aa ajandihiisu ahaa ka doodista akhrinta 2-aad Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo La xisaabtan Hay’adaha Dowladda xildhibaan Maxamed Harruun ayaa faahfaahiyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaana uu sheegay in ay wax badan ka soo badaleen, iyagoo la kaashanaya wasaarada maaliyadda iyo khuburo ku xildheer sharcigaan, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama uu sharcigaan muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed.
Intaasi kadib xildhibaannada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaan ay intooda badan doodooda ay saleeyeen toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.
Intaasi kadib Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xildhibaan. ย Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagona tilmaamay in diyaarinta sharcigaan in ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano ah iyo khuburo ku xildheer sharcigaan , waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.
Guddoomiye ku xxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta, waxaana uu faray labada guddi inay soo diyaariyaan warbixinta akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, ayna ku soo biiriyaan tallooyinka iyo turxaan bixinta ay xildhibaannada soo jeediyeen.