Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.
Wararka

XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 21, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Bayaan ka soo baxay wasaarada Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dadaalka ay dowladu galisay joojinta Jarida iyo dhoofinta dhuxusha.

Bayaankaan oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa u qornaa sidaan:-

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka soomaaliyeed iyo horumarinta bi’adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Ahmiyadda yaraynta Xaalufinta Dhirta
Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.

Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.

Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.

Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.

Sidoo kale dhirta waxaa ku hoos nool noolayaal kala geddisan(microorganism) oo nacfi u leh bi’adda, bacriminta carada,tayaysana wax soosaarka dalagyada
Dhirtu waxa ay soo jiidataa roobabka
Dhoofka dhuxusha waxa ay socotay illaa intii ka dambeysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya.

Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda
Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxa
lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii 8 Milyan oo geed.

Waxa Sharaf ii ah inaan idinla wadaago waxqabad muhiim ah oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku howlaneed muddo dheer kana guulgaartay.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood, warbixintaas oo ay hay’adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay joojiso dhoofka dhuxusha sharci darrada ah laga soo billaabo bishii Agoosto 2018 kii illaa maanta aan wax dhuxul ah laga dhoofin dhammaan dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya . taas oo ah guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed. Waa waqtigii ugu dheeraa oo aan waddanka dhuxul laga dhoofin tan iyo intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.

Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay badbaadiso dhirtaas la dabargoynayey in muddo ah, sidoo kalena waxay xukuumaddu qorsheysay, fulineysaana sidii ay dib u dhireyn ugu sameyn laheyd dhulkii la xaalufiyey.

Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku howlantahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay xerada Jeneral Daa’uud oo ay ciidanka Gorgor daganyihiin

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee…

GudahaWararka
April 15, 2024

Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Muqdisho.(SONNA):- Doorashada saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah lagu…

GudahaWararka
February 5, 2022

Ciidanka Nabad sugidda Sama-reeb oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe Al-shaab ah

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab…

Wararka
November 27, 2020

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) - Guddoomiyaha Hay'adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay'adda TIKA ee Soomaaliya…

Wararka
September 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023