Muqdisho (SONNA): Tababarka oo ahaa mid wadajir loogu qabtay xeer Ilaaliyaaasha iyo Dambi Baarayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ayaa waxaa soo agaasimay Machadka Tababarka Garsoorka dalka ayada oo ay casharada bixinyeen Qubaro ka socday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Casharada lagu baranayay ayaa waxaa ka mid ahaa qaabka Dambiyada loo Baaro, Xaqiijinta dhacdo faleedka, sugitaanka goobta uu falka ka dhacay, Marqaatiyaasha iyo qorista Xaanshida eeda ayada oo lagu dabaqayo xeerarka iyo sharuucda dalka gaar ahaan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo soo xeray Tababarkaan ayaa kula dardaarmay dadka Tababarka qaatay in ay ilaaliyaan Masuuliyadda saaran isla markaana casharada ay qaateen ku dabaqaan shaqooyinka ay u haayaan Bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa xoogga saarayay kobcinta iyo Garaadka shaqaalaha ka shaqeeya Heyโadaha Baarista iyo Dacwad Oogista si bulshada ay u helaan adeeg cadaaleed oo loogu gun dhigay Gaarista Danta Cadaaladda.