SONNA (MUQDISHO)- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa maanta si wada jir ah tababar ugu furay Xeer ilaaliyayaasha cusub ee loo qaatay in ay kamid noqdaan ku Xigeenada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud,kuwaas oo ka soo gudbay ku dhawaad 200 oo soo codsaday.
Tababarkan oo uu soo agaasimay Machadka Tababarka Garsoorka ayaa waxaa uu socon doonnaa mudo 2 bilood ah, iyadoo lagu qaadan doono aqoon la xiriirta sharciyada dalka u yaala si practical iyo theory ah.