Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Bayaan goordhow ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishan loo heysto lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ayna yihiin maqanayaan.
Hoos ka akhri war-Saxaafadeed xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.