Muqdisho(SONNA):-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaakulan la qaatay Xeer Ilaaliyeyaal dhawaan la qaatay iyo Xeer Ilaaliyeyaashii hore Xafiiska uga shaqeynayay.
Kulanka ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa soo dhaweynta iyo Hawl gelinta Xeer ilaaliyeyaasha cusub maadaama uu u dhammaaday wajigii kowaad ee tababarkii shaqada.
Geba-gabadii Kulanka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud wuxuu kula dar-daarmay Xeer-ilaaliyeyaasha in bulshada loogu adeeggo si hufnaan iyo hawl-karnimo ku jirto.