Muqdisho (SONNA):- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulayman Maxamed ayaa shir la qaatay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo. Hawo Ahmed Hassan oo ay wehlinaayaan la taliyaasha iyo agaasime waaxeedyada Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed.
Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Dembiyada Lidka ku ah Deegaanka, Beeraha iyo cudurada faafa ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku saabsanaa hanaanka wadashaqeynta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hey’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.
Xeer-ilaaliyeyaasha ka hawlgala Waaxda Dembiyada Lidka ku ah Deegaanka, Beeraha iyo cudurada faafa ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee ayaa sharaxaad ka siiyey Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka qaabka iyo hanaanka uu u shaqeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, si ay fududaato wadashaqeynta labada Xafiis.
falanqeyn iyo aragti is waydaarsi ka dib waxaa laysku raacay in hay’adda Tayadhowrku ay si joogto ah ugu soo gudbiso Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii warbixin dembi ah oo ay ku ogaato Hay’addu baaritaanna ay samayso si lamid ah hay’adaha kale ee baarista si uu Xafiisku uga qaado tilaaboiyin sharciga waafaqsan.