Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)
GudahaWararka

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

By Abdulkadir
Last updated: March 9, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo xiligaani wajaheyso bur bur iyo kala carar kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay uga adkaadeen dagaalada ka socda guud ahaan dalka,waxa ayna taa sababtay in horjoogayaashoodii ugu Sar sareeysay iyo maleeshiyaadkooda isku soo dhiibaan ciidamda dowladda iyo dadka degaanka.

Horjoogayaal badan oo ka tirsan khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka kadib markii ay ogadeen waxa ay ku jiraan in ay yihiin baadil iyo diin la’aan ,islamarkaana ay ka faa’ideysteen fursadii madaxda qaranka ee ahayd in ay isku soo dhiibaa dowladda lana siin doonno nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin.

Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socday ayaa dhawaan  isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanno hoos taga degmada Baxdo halkaa oo mudda dhibaata Ku hayeen dadka shacabka ah.

Waxaa uu kamid ahaa horjoogahaani kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.

Horjooge Xasan  (Jabal) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in si wanaagsan ula dhaqmeeyn ciidamada dowladda, waxa uu ugu baaqay maleeshiyaadka ka sii midka ah wali khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee looga been sheegay diinta Islaamka.

“Wax dhib ah oo aan la kulamay ma jirto waxa  aan la jogaa walaalaheyga soomaaliyeed, xubnaha kale wali jira dhanka khawaarijta waxa aan ugu baaqayaa in ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda,waxa ay hayaan waa ka been sheegida diinta Islaamka” ayuu yiri horjooge Xasan Jabal

Dhalinyarada kale ee ay qaldeen khawaarijta ee isku soo dhiibay ciidamda dowlada ayaa dhankooda ka shekeeyay waxyaabihii ay la kulmeyn inta ay ku jireen wadadii baadida ahayd iyo ficilladii garacnaa ee bulshadooda ay ku dhibateen jireen.

“Kuwa duurka ku jiraa wali waxaan leenahnay isku soo dhiiba ciidamada dowladda iyo dadka degaanka,wana ka mahad celineynaa si wanagsan ee naloola dhaqmay culimada degmad Baxdo” sidaa ayay dhaheen qaar kamid ah dhalinyaradii isa soo dhiibtay.

Sidoo kale Sheekh Muuse oo kamid ah Culimada degmada Baxdo ayaa dhankiisa  sheegay in fursadda kaliya ee khawaarijtu heysato ay tahay in ay isku soo dhiibaan ciidamda qaranka iyo kuwa degaanka.

“Al-shabaab naftooda ayay Halaagayaan,cadaab ayay shaqeysanayaan,adduunkana hoog iyo bur bur, nimanka ka soo baxayna waan u mahadcelineynaa sid ay u garteen in waxa ay ku jireen ay diin la’aan ahayd” ayuu yiri Sheekh Muuse

Ciidmada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa guul is daba joog ah ka gaarayo dagaalada lagula jiro khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray, taas oo ku qasabatay horjoogayaasha iyo Maleeshiyada khawaarijta in ay isku soo dhiibaan ciidmada dowladda iyo dadka degaanka si ay naftooda u bad-baadsadaan.

Madaxda Qaranka ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada la qalday ee ku jira khawaarijta in ay ka soo baxaan dowladuna ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto,waxan xiligaa wixii ka danbeeyay isa soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa khawaarijta.

Waxa muuqato in uu dhammaan rabo wayihii khawaarijta oo mudda 15-sanno ka badan dhibaata ku hayay ummadda Soomaaliyeed, kuwaa oo ka been sheegay diinteenna suuban ee Islmaaka,Ficillada gurracan ee mudda ku dhibteen jireen shacabka soomaaliyeed ayay soo dadajisay in ay kacaan bulshada ku nool gobolada dalka kuwaa oo qaatay hubka islamarkana go’aansaday in ay iska dhiciyaan khawaarijta arxanka daran ee u diiday in ay u nolaadan sida asagooda oo kale,taa oo surta galisay in laga saaro degaanno farabadan khawarijtu aysan mudda ku ladin in laga qabsan doonno balsa geesiyaasha Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ugu daateen fariisimahooda lagana saaray degaanno dhowr ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Gen.Maxamed Sheekh Madoobe

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdi…

GudahaWararka
August 26, 2021

Iskaashaatada Beeraleyda Baladweyne oo soo bandhigtay nuucyada dalagyada ee ka baxa degmadaasi

Madax ka tirsan maamulka Hirsgabeelle kan degmada Baladeryn iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad idowga iskashatada Beeraleyda Degmada…

Gudaha
June 25, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku baaqay in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii…

GudahaWararka
June 4, 2024

Sheekh Bashiir “Shaqada ka socota Isbitaal Martiini waa Jihaad oo kale ee halaga wada qeyb qaato”

Muqdisho (SONNA)-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqday inay ka qeyb qaataan howlaha loogu gurmanayo isbitaalka Martiini oo ka mid…

Wararka
March 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023