Nairobi (SONNA): ICPAC oo soo saarta saadaasha iyo ka digista khataraha xagga cilimada ah ayaa bilowday inay fariimaheeda ku qorto luqadda Soomaaliga oo ay ku hadlaan bulsho baaxad weyn oo ku nool bariga Afrika.
Tani waxa ay sare u qaadaysaa meeqaamka afka Soomaaliga iyo in si waxtar leh ay kaga faa’iideystaan digniinaha hay’adda maadaama afkooda hooyo lagu soo qoray.
Horey xarunta ayaa warbixinadeeda ugu soo saari jirtay Luqadaha Ingiriisiga, Carabiga, Swahiliga iyo Faransiiska, waxaana hadda lagu kordhiyey luqadda Soomaaliga.