Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehEliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad GobolLeedka Puntland.
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland, Iyadoo Guddoomiyuhu uu dhawaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah.
Sidoo kale, wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo ay uga mahadcelinayaan Hay’adda maaraynta musiibooyinka.
Ugu danbayn, GudDoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka Duulista Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan.