Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray
GudahaWararka

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah u yeelatay xarun dhexe oo la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka ,taa oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray, wixii hadda ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha xarunta ayaa ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yeelaan 30 xafiis oo waax walba ay leedahay hoolkeeda shirarka, hool weyn oo shir, masaajid, maqaayad, goobaha la dhigto gaadiidka iyo qaybo kale oo leh  nasniino, iyadoo dhismayaasha dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay bixisay dawladda, halka ay dhammeystirkiisa iyo qalabeynta ay ka qaybqaadatay safaaradda dawladda Shiinaha ee Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka.  Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taa oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda Jubbaland oo ku baaqay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen roobkii ka da’ay deegaanada Jubbaland

Muqdisho(SONNA):-Boqolaal Qoys ayaa ka barakacay roob daadad watay iyo fatahaado ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaas…

GudahaWararka
November 5, 2023

Madaxweynaha Galmudug iyo agaasimaha NISA oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan

Xinlabi (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay agaasimaha hay’adda…

GudahaWararka
September 13, 2023

Marxuum Jawaari oo Muqdisho Aas Qaran loogu sameyn doono

Guddiga Aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda…

GudahaWararka
June 29, 2024

Xildhibaannada Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda XFS

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad…

GudahaWararka
February 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023