Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe
GudahaWararka

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

By Abdulkadir
Last updated: June 16, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay dhismaha buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta fududeynta isku socodka bulshada, dardargelinta adeegyada, iyo kobaca dhaqaale ee gobolka Nugaal. Dhismaha buundadan ayaa sidoo kale xoojinaya isku xirnaanta gobollada dalka, iyadoo kaabeyaal muhiim ah loo dhisayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo sheegay in buundadan ay tahay mid ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hirgaliyo tan iyo burburkii dowladeed. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray buundadan. Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruuca, isaga oo xusay in dadaalka iskaashiga ah ee dowladda dhexe, dowladda hoose, iyo beesha caalamka uu miro dhalay.

Mashruucan waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Mashruuca Nagaad (SURPII) waxay sii wadaan barnaamijyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-dhiska dalka, adkeynta isku xirnaanta juqraafiyeed ee dalka, iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaale iyo bulsho.

Buundadan casriga ah ee la furay waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay u socoto xilli cusub oo rajo iyo dib-u-dhis ah.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhaqmeysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si guul leh u dhammaystirtay dhismaha Buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxay door muuqda ka qaadan doontaa horumarinta isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, iyada oo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta JFS, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa si weyn u bogaadiyey dhismaha buundadan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dalka laga hirgeliyo tan iyo burburkii. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in buundadani ay astaan u tahay isbeddel dhab ah oo ka socda dalka, gaar ahaan xagga horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundadan. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruucan, isaga oo ammaanay sida hufan ee ay masuuliyadda uga soo dhalaaleen dhismaha buundada iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la socda.

Mashruucan dhismaha buundada waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hogaaminayo…

GudahaWararka
March 5, 2024

Ra’iisul wasaare Xamse oo ugu hambalyeeye ciidanka xoogga dalka sanad guurada 64-aad

Muqdisho,(SONNA):Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan…

GudahaWararka
April 12, 2024

Dacwad-ogaha Maxkamadda ICC oo codsaday in la soo xiro hoggaamiyayaasha Israel iyo Xamaas

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa codsaday in la soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo…

Caalamka
May 20, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shirguddoomiyey kalfadhiga 3-Aad kulankiisa 2-Aad ee wadajirka ah

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa…

GudahaWararka
July 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023