Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe
GudahaWararka

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

By Abdulkadir
Last updated: June 16, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay dhismaha buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta fududeynta isku socodka bulshada, dardargelinta adeegyada, iyo kobaca dhaqaale ee gobolka Nugaal. Dhismaha buundadan ayaa sidoo kale xoojinaya isku xirnaanta gobollada dalka, iyadoo kaabeyaal muhiim ah loo dhisayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo sheegay in buundadan ay tahay mid ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hirgaliyo tan iyo burburkii dowladeed. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray buundadan. Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruuca, isaga oo xusay in dadaalka iskaashiga ah ee dowladda dhexe, dowladda hoose, iyo beesha caalamka uu miro dhalay.

Mashruucan waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Mashruuca Nagaad (SURPII) waxay sii wadaan barnaamijyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-dhiska dalka, adkeynta isku xirnaanta juqraafiyeed ee dalka, iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaale iyo bulsho.

Buundadan casriga ah ee la furay waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay u socoto xilli cusub oo rajo iyo dib-u-dhis ah.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhaqmeysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si guul leh u dhammaystirtay dhismaha Buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxay door muuqda ka qaadan doontaa horumarinta isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, iyada oo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta JFS, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa si weyn u bogaadiyey dhismaha buundadan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dalka laga hirgeliyo tan iyo burburkii. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in buundadani ay astaan u tahay isbeddel dhab ah oo ka socda dalka, gaar ahaan xagga horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundadan. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruucan, isaga oo ammaanay sida hufan ee ay masuuliyadda uga soo dhalaaleen dhismaha buundada iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la socda.

Mashruucan dhismaha buundada waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Sucuudiga+sawirro

Muqdisho(SONNA) Wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gaaray dalka…

Wararka
December 22, 2019

Wasaaradda qorsheynta oo Muqdisho ku qabatay kulan ku aadan qorshaha isbadalka Qaranka

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah…

GudahaWararka
October 7, 2024

Wasiirka amniga oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
July 8, 2025

Wasiir Fiqi “Mardhow gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhammaantiis laga xoreyn doonaa Khawaarijta”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa shaaca la qaaday in dhammaan ciidamada…

Gudaha
May 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023