Muqdisho(SONNA) Kadib kulamo ay yeesheen hay’adah ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanno ay ka dheceen colaado kana tirsan gobolka Sool ayaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa colaadaha soo jiitamayay in Muddo ah
Goobaha rabshaduhu ay ka dhecen waxaa kamid ah magaalada Laasa-Caanood,Ceelbaxay,Neef-kuceliye,Bur-geesoole,Ceeldibir,Gowayn,Raqo iyo meela kalo kale,waxaana laysku afgartay in lasoo afmeero colaadda muddo bil ah socotay, taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa wadajir warbaahinta ula Hadleyย Cabdullahi Dheere,Jeneral Haji Mahamed iyo Ugaas Mahamed Ugaas Kayse Ugaas Faarax,iyagoo xusay in lagu heshiiyay in nabadda laga wada shaqeeyo,dibna loo soo celiyo dadkii colaaddaasi ka qaxay.
Bulshada deegaanada colaaduhu ay ka dheceen ayaa soo dhaweeyay dadaalada nabadeed oo ay hormuudka ka haayeen odayaasha dhaqanka
Cabdikariin Axmed Bulxan