Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xal laga gaaray cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Xal laga gaaray cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde+Sawirro
Wararka

Xal laga gaaray cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 10, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsiย  Warfa ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ujeeddada kullanka ayaa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah oo shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC.

Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Mudane Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybgalay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU,guddi ka socday shaqaalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la dhowro xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay.” ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa oo la hadlay guddi ka socday shaqaalaha muruqmaalka ah.

” Waxaan la kulanay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabanaya ee muruq-maalka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquuqda Shaqaalaha iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiir Warfa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in hadda xal laga gaaray cabashada shaqaalaha, kullanka maanta qabsoomeyna uu billow u yahay kullamo lagu doonayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka ah.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaan Shaqaalaha muruqmaalka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama dambeys ah muddo toddobaadyo ah looga gaari doono cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha .. Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc cid walba hageysa mas’uuliyadna saaraysa taas ayaana la waafajin doona.” ayuu yiri.

Shirkan ayaa waxaa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii shalay sameeyeen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay degaanno hoostaga Xarardheere

Muqdisho(SONNA);-Howlgal qorshaysan oo ay qaadeen ciidanka deeganka ee ka howlgalaย  degmada Xarardheere ayaa ku guleystay in ay soo burburiyaan fariisime…

GudahaWararka
July 29, 2024

Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galgaduud โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer…

Wararka
October 29, 2020

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Laanta Fulinta ee Degmada C/waaq.

C/waaq.(SONNA)...Kulan wadatahsi ah oo ay ka qeybgaleen madaxa maamulka Degmada, Ciidamada Nabad galyada, aqoonyahanka,isla markaana looga hadlaayey la socodka adeegyada…

Wararka
September 17, 2019

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladdaย  Federaalkaย  Soomaaliya

Muqdisho.SONNAโ€ฆ.1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi…

Gudaha
December 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023