Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in lasoo gudbiyay kiisas la xariira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, isla markaana uu qaadayo tallaabbada uga aaddan baarista iyo dacwad oogista shaqsiyaadka la tuhunsan yahay.