Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xafiiska Hantidhawrka oo warbixin ka soo saaray lacag ka maqan khasnadda dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xafiiska Hantidhawrka oo warbixin ka soo saaray lacag ka maqan khasnadda dowladda
GudahaWararka

Xafiiska Hantidhawrka oo warbixin ka soo saaray lacag ka maqan khasnadda dowladda

By Kanaava Mohamed
Last updated: June 21, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo Warbixin ka soo saaray caddadka lacag ka maqan khasnadda dowladda iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto ka hortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga dowladda

Halkan hoose ka Akhriso War-Saxaafadeed uu xafiiska Hanti-Dhowrka Guud soo saaray:-

“Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon.

Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab.

La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa.

Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

DHAMMAAD

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kalfadhiga saddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo maanta lagu wado in uu furmo

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga saddexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya kaa oo uu furi…

Wararka
May 29, 2023

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalaya shirka Cop28 ayaa sheegay inay ka go’an tahay helintaan Caafimaad dhamaystiran

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeybgalaya shirka Cop28…

GudahaWararka
December 3, 2023

Hey’adda IMF oo ansixisay lacago qeyb ka ah deyn cafinta Soomaaliya

Guddiga fulinta ee hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono…

GudahaWararka
March 26, 2021

Tallaalka COVID-19 oo si rasmi ah looga daah-furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka bilaawday Tallaalk COVID-19. Tallaalka ayaa lagu bilaabay Mas’uuliyiinta kala duwan…

GudahaWararka
April 1, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023