Dhuusamareeb-(SONNA)-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo ah tababar ku saabsan “IPSAS Cash Basis”, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah (19-20ka November 2024) magaalada Dhuusamareeb.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa mideynta habraacyada diyaarinta xisaabaadka sanadlaha ah, iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah ee IPSAS.
Ujeeddadu waa in la xoojiyo hufnaanta, saxnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee maamulka dhaqaalaha dalka.
Tababarku wuxuu ka qaybgalayaasha siinayaa fursad ay ku cusbooneysiiyaan aqoontooda, taasoo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo isku-xirnaanta heerarka maaliyadeed ee dowladda.