Baladweyne-(SONNA)-Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka daโay.
Shacabkii degganaa xaafadaha Wabiga ku fatahay ayaa saaka ka baracakay iyagoo deegaansaday dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad.