Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 3, 2023
3 Min Read
Share

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 3 May, 2023

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay kulan dadweyne oo shacabku ay ku weydiinayeen su’aalo ku saabsan waxqabadka iyo hawlaha horyaalla dowladda.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadley horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saabsan cunna yarida.

3-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqey qiimo dhimis kharashka lagu xajinayo sannadkan 2023-ka.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley daah-furka Geeddi-Socodka Wadashaqeyneed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo dhabbaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada dhinac, labada sano ee soo socota.

5-Ra’’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabadda daah-furka Barnaamijka Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.

6-Boqolaal muwaadiniin ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalka, iyagoo laga soo badbaadiyay colaadda ka aloosan Sudan.

7-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan magacawdey guddi heer wasiiro ah oo isku dubbaridaya samatabixinta muwaadiniinta ku xaniban Sudan.

8-Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.

9-Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedka Waddamada ay Ciidammadda ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhimista Ciidanka ATMIS ee Midowga Afrika, iyo diyaargarowga Soomaaliya in ay amnigeeda la wareegto dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

10-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgal ka dhacay degaanka Cali Qaboobe ee gobolka Mudug ku dilay 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

11-Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay ka ganacsiga maandooriyaha oo khatar ku ah amniga iyo nolosha shacabka caasimadda.

12-Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada, tallaabadaas oo qeyb ka ah qorsha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee baahinta adeegyada caafimaad ee geyiga Soomaaliya.

13-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo dalka Morocco uga qeybgalay shirka sannadlaha ah hay’adaha maaliyadda dalalka Carabta, xilli Soomaaliya ay horumar weyn ka sameyneyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta.

14-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khadka fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo horumarka dowladda, iyo weliba siyaasadda dowladda ee qurba joogta.

15-Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gurmad u fidisay qoysas ay saameeyeen roobabkii xoogganaa ee Muqdisho ka da’ay.

16-Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay walxo qarxa iyo dhagar qabihii waday Xasan Cali Nuur oo Khawaarijta ka tirsanaa.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SODMA oo ka hadlay qorshaha yaraynta khataraha musiibooyinka iyo dhisidda bulsho leh adkaysi

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Cabdulle ayaa ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la laba-jibbaaro dadaallada…

GudahaWararka
October 22, 2025

Mareykanka: 19 ruux oo ku dhintay dab ka kacay New York

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah…

Caalamka
January 7, 2023

Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgalay shir la xiriira Suuqa Shaqada oo ka socda Sacudi Carabia

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Xildhibaan Prof. Saalim Caliyow Ibroow iyo xubno kale pp la socday ayaa…

Gudaha
January 29, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo muhiim la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulamo…

GudahaWararka
February 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023