Muqdisho-(SONNA)-Qaar kamid Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey kullankii dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray.
Nabad-doon, Xasan Kacaan oo ka mid ah wax garadka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca horumarka.
โWaxaan boogaadin iyo hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo in uu u yeero oo uu marti qaado Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas ayaa natusineysa in uu isbeddel ku yimid siyaasadda Dalka, waana wax u baahan in lasii wadoโ ,ayuu yiri Nabadoon kacaan.
Qodobbo dhowr ah ayay isla soo qaadeen Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka, iyadoo kulankoodu uu ku soo dhamaaday isfaham buuxa.