Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 24, 2024
6 Min Read
Share

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed AUN Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey. Balse xilligii Dowladdii Kacaanka aheyd ayaa aadugu dadaashay horumarinta Waxbarashada iyo kordhinta Dugsiyada Dalka.

Haddaba waxaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka bilowday Maalintii Sabtyida aheyd oo ay taariikhdu ku aadaneyd 22-kii bishan Juun Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardeyda Dugsiyada Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee ee sanad dugsiyadeedka 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday, wuxuuna ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in Waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, Waxbarashadu waa himillo weyn oo ay Xukuumaddu u aragto mudnaan la mid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan Askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna intaasi ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taasi oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah Ardayda, isagoo kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Meelaha uu tilmaamay Ra’iisul-wasaaraha ayaa kala ah Degmooyinka Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo ay si hamsami ah uga socdaan howsha imtixaanaad Shahaadiga ah, taasoo laaga joogo muddo 33 sano ah kadib, iyadoo Masuuliyiinta qaadeysa Imtixaanaadka iyo waraaqaha Imtixaankaba lagu qaaday Diyaarado.

Haddaba Degmada Ceeldheer ayaa 33 Sanno ka dib ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah. Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay  looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

Waxaa Baraha Bulshada ku baaay muqaal qurux badan, kaasi oo ku saabsanaa Ardeydii ka qeybgalay Imtixaanka oo ay daabulkayaan Gawaarida Ciidanka booliska Soomaaliyeed sababo la xariira Roob aad u biyo dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho, Roobkaasi xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho, kaasi oo saameyn ku yeeshay Ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo Gaadiidka ciidanka.

“Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin

Maalintii Seddexaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, waxaana u rajeynaynaa inuu si nabdoon ugu dhammaado, ayna ku najaxaan Imixaanaadka ay juhdi badan u soo galeen.

Waxaa Alle mahadiis ah in Imtixaanka Qaran ee Fasalka 12aad uu ka socdo 13 Gobolka oo ka mid ah 18 Gobolka ee  Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxayna Kala yihiin sida hoos ku xusan.

Gobolada uu ka socdo Imtixaanka Qaran.

1.Jubada hoose

2.Jubada Dhexe

3.Gedo

4.Bay

5.Bokool

6.Hiiraan

7.Shabeelaha dhexe

8.Shabeelaha hoose

9.Banaadir

  1. Galgaduud

11.Mudug

  1. Sool (Laascaanood)

13.Togdheer (Buuhoodle)

Guul baan u rajayneynaa Ardayda Soomaaliyeed.

By. Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Muqdisho (SONNA): Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo ururka Bangiyada Soomaaliyeed…

GudahaWararka
July 29, 2025

Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay suuqa wayn ee Jowhar

Jowhar(SONNA):-Dab xoggan oo geystay khasaaro hantiyeed ayaa saakay hore ka kacay suuq wayn ee magaala Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.…

GudahaWararka
August 11, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Muqdisho, SONNA:-asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda ee…

GudahaWararka
May 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku…

GudahaWararka
November 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023