Waxa hadda soo gebegeboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo illaa saaka 9:00kii subaxnimo ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni.
Shirka oo uu shirka guddoomiyeyna Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo, kana soo qayb-galeen dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Ayaa waxa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.
Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka wuu sii socon doonaa waxaana la isugu soo laaban doonaa berri subax.
Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta JFS mudane Cismaan dubbe