Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda amniga gudaha XFS oo ka hadlay khilaafaadka ka dhex taagan horjoogayaasha kooxaha argagixisada Soomaalida iyo Ajaanibta ka wada tirsan khawaraarijta Al-shabaab ayaa sheegay in ay sabab u tahay guul darrooyin is xig-xiga ay kala kulmeen ciidanka Xoogga Dalka kaas oo sababay in ay kala shakiyaan.
Mudane Farxaan Cali Axmad oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khilaafaadka ka dhex oogan khawaarijta uu yimid ka dib Markii ay ku jabeen howlgallada iyo ugaarsiga ay ku hayaan ciidamada dawladda Sooamaliya.
Wasiiru dowlihii hore ayaa bogaadiyay istaraatiijiyadda dagaal ee ay dowladda u dejisay gulufka ka dhanka ah khaawaarijta.