Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dowlaha xafiiska Raโiisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Ashkirayaa caawa kulan la qaatay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Jubbaland.
Wasiir Xasan Ashkir ayaa kula dardaarmay guddiga in ay hirgaliyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay dhammaan muwaadiniintu si wada siman uga wada qeyb qataan.
Waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaan wasiirka madaxtooyada Jubbaland mudane Cabdirashiid Jire Qalinle.