Muqdisho-(SONNA)-Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 Arday oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee Dowladda ayaa deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020.
Munaasabadda Ardayda lagu sagootinayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada, Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Amb; Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya , Jamaaludiin Mustaf ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ee ay siiso Ardayda Soomaaliyeed.
Wasiiru Dowlaha Waxbarashada waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, ayaa uga mahad celiyay Dowladda Itoobiya deeqdan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka go’an tahay in ay sii horumariyaan wax barashada Ardayda Dalka.
“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo deeq waxbarsho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020, ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.