Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay Maamuleyaasha Dugsiyada ay wasaaradda gacanta ku heyso.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha Guud Wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yuusuf iyo Agaasimeyaasha Dugsiyada.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud (Jaabiri) ayaa xubnaha ka socday dugsiyada ay maamusho dowladda kulanka ugu dhageystay tayeynta waxbarashada iyo in la dar dar geliyo Horumarinta Waxbarashada.
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta Soomaaliyeed, si loo horumariyo waxbarashada.