Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed
Gudaha

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku daah-furay Muqdisho Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

By Agaasimaha SONNA
Last updated: July 3, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)- July 03, 2021 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Maanta oo Sabti ah daah-furay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib xaflad lagu qabtay Caasimadda Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen tiro badan oo Wasiirro ah, Xildhibaanno iyo Madaxa Ergada Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Richard Danziger.

Hadal uu xiritaanka xafladda ka jeediyay ayaa Mudane Balal Cusmaan waxa uu sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo maalgeshiga dalka, isagoo tilmaamay in Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka jawaabeyso dalabyo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriir adag oo u dhexeeya dowladda iyo qurbajoogta, iyo weliba xoojinta isdhexgalka iyo dhaqanka iyadoo loo marayo shirar, isu imaatinno bulsho iyo doodo wax dhisid ah.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin dhowr ah ayaa munaasabada ka hadlay, oo ay ka mid tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha, Mudane Farxaan Cali Axmed, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Guddoomiyaha Madasha jilaayaasha aan dowliga ahayn, Mudane Cusmaan Muxiyaddiin Macallin Shaatax.

Hadal uu ka jeediyay madasha Agaasimihii hore ee Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay agaasimaha cusub ee lagu bedelay, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, isagoo ku xil-wareejiyay, waxa uu tilmaamay inuu si lixaad leh u shaqeeyay labadii sano ee uu xilkani hayay, gaarsiiyayna guulo badan, isagoo xusay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay gacan weyn ku leeyihiin hore u dhaqaajinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo taasi u maray taageerada qarashaatka lacageed ee sida billaha ah ay ugu diraan qoysaskooda, ama abuuridda rugo ganacsi ama maalgelin aan toos ahayn, ama maalgeshiga qeybo kala duwan.

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Diaspora #SomaliDiaspora

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo sheegay in shacabka toos warbaahinta ugala socon doonaan eedaha la xiriira musuqa

Muqdisho((SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jumcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa…

GudahaWararka
May 12, 2023

Guddoomiyaha Gudidda Arrimaha Guddaha Aqalka Sare iyo wafdi ay hoggaaminayso oo gaaray Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare Sanatar Deeqo…

GudahaWararka
November 15, 2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA 7-AAD EE GARSOORKA DALKA

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in…

GudahaWararka
January 15, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweeyay dhigiisa dalka Burundi

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay  Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee…

GudahaWararka
April 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023