Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Balal Cusman ayaa maanta magaalada Beirut ee dalka lubnaan kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba-joogta dalkaasi Dr. Abdullah Bou Habib, iyaggoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya labada dal.
Labada wasiir ayaa kulankooda uga hadlay qodobo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada wadan.
“Waxaan maanta xafiiskiisa magaalada Beirut ee dalka Lebanon kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Dalka Lebanon Dr. Abdullah Bou Habib, kulankaas oo aan si qotadheer ugu qaadadhignay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada waddan” ayuu yiri wasiir Balal