Muqdisho (SONNA): Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS mudane Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar oo ka duulaya qorshaha Qaran ee hirgelinta doorasho qof iyo cod, ayaa maanta kormeer shaqo oo ballaaran ku tagay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir isagoo ay wehlinayeen qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray habsami u socodka qaadashada Kaarka Cod-bixiyaha, oo si dar-dar leh uga socda degmooyinka gobolka banaadir, waxaana ay goob-joog u noqdeen adeegyada ay bixiyaan shaqaalaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka, iyadoo sidoo kale ay la kulmeen qaar kamid ah bulshada degmada boondheere ee diyaarka u ah ka qayb galka doorashada qof iyo codka ah ee nagu soo wajahan.
Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaalka howl wadeennada iyo sida ay uga go’an tahay in dadwaynuhu doortaan hogaankooda, isagoo bulshada Boondheere iyo guud ahaan shacabka Gobolka Banaadir ku dhiirrigeliyay inay si buuxda uga qayb qaataan hirgelinta geeddi-socodka dimoqraadiyadeed ee “Qof iyo Cod”.
