Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamedbayaa ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee #COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Riyad, ee Boqortooyada Sacuudiga.
Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha isbeddelka cimilada. Waxa kale oo ay xoogga saareysaa in la xoojiyo adkeysiga deegaanka si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay.
Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka cimilada sii xumaanaysa ayadoo markii ugu horeysay Soomaaliya ku dhex yeelaneyso Ardaa xarunta uu la socda Shirka.