Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, ayaa shalay booqday sheybaarrada lagu kala shaandheynayo muhiimadaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Labada wasiir ayaa bogaadiyay khubarada iyo shaqaalaha dadaalka ku bixinaya qorshahan, oo lagu tala galay in uu horseedo isku filnaansho bulsho iyo horumar waara oo dalka ka hirgala.
Qorshaha waxaa lagu salaynayaa talooyin iyo habraacyo wax-ku-ool ah oo xal u noqonaya caqabadaha taagan, si loo gaarsiiyo Soomaaliya mustaqbal barwaaqo leh oo ay dadkeedu ku noolaadaan nolol ammaan ah iyo adeegyo tayo sare leh.