Muqdisho (SONNA)-Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Roobow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliyaย ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.
Ka qeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliyaย Amb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.