Muqdisho(SONNA) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay qarixii ay kooxaha argagixisada Al-shabaab maanta geysteen.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh,Daahir Cabdi Cabdullaahi(Dr Go) wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha ahna mudane ka tirsan Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ay kujiraan golayaasha dowladda ayaa ka tacsiyadeyeey dadkii qaraxaasi ku dhintay oo uu ku jiray Col.C/rashiid Shaar Shaar.
Sidoo kale mas’uuliyiintani ayaa eebe uga baryay in uu bogsiiyo dadka kale ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi ay geysteen kooxahah argagixisada Alshabaab.
Dadkii Soomaaliyeed oo ay argagixisadu dhibaateeyeen ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada Muqdisho,waxaana taasi ay muujinaysaa cadaawadad ay bulshada Soomaaliyeed ay u qabaan.