Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo daahfuray ceel laga qoday deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo daahfuray ceel laga qoday deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”
Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo daahfuray ceel laga qoday deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 9, 2020
2 Min Read
Share

Caabudwaaq (SONNA) Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay Daahfur loo sameeyay Ceel matoor laga hirgaliyay Deegaanka Hul-kujir oo isku tashi bulsho lagu qoday.waxaana deegaanka hadda laga qoday ceelkan kahor uu ahaa mid oomane ah oo dadka iyo xoolaha ay biyo la’aan ku qabeen.

Dadka isku tashiga ku qoday ceelkan oo ahaa bulsha ka soo jeeda deegaanka ayaa daahfur u sameeyeen furitaankiisa waxaa kala soo qayb galay Wasiiro iyò Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Ganacsato Maamulada Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale iyo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi iyo Sheekh Cabdikariin Xasan Aadan oo ka tirsan mas’uuliyiinta Maamulka magaalada Xeraale ayaa si wada jira u soo dhaweeyay ceelka cusub oo ay shegeen in si wada jira ay uga fa’aiidaysan doonaan dadka iyo Xoolaha.

Quulle Uurdoox Shaaciye iyo Faysal Qorane oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee qaybta ku lahaa hirgelinta Ceelkaan ayaa warbixin iyo Codsi la xariira Ceelkan la wadaagay dadkii ay ku casuumeen furitaankiisa.

Maamulaha Shirkadda Hormuud Faarax Axmed Cali, Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali iyo Xildhibaan Xasan Kaynaan oo ka nid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay qayb ka qaadan doonaan dhamaystirka baahiya ka dhiman Ceelka.

Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug Daahir Salaad Guuleed, Wasiir ku xigeenka Boostada Galmudug Cabaas Xuseen Cali iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda hawlaha Guud ee Galmudug Mahad Xasan Sheekh Yuusuf ayaa bulshada ku booriyay inay joogteeyaan dadaalada ay dhexdooda wax isugu qabanayaan.

Nabadoon Axmed Garbacune iyo Aqoonyahan Cabdiraxmaan Kaligi duul ayaa sheegay inay uga wada mahadcelinayaan dadkii taaba galshay Ceelkaan

Wasiirka Wasaaradda Masiibooyinka iyo Gargaarka Galmudug Cadiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dibu Heshiisiinta Galmudug Cabdi Waayeel ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay nabad ku wada cabaan biyaha ceelka.

Gaba gabadii Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa waxaa uu u mahadceliyay dadka ka qayb galay hirgelinta ceelkan

W/D: Cabdikariin Bulxan (Caabudwaaq)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Qoyska & Xuquuqda oo qalab muhiim ah guddoonsiiyay Ururka Naafada Qaranka

Qaar kamid ah labada gole ayaa maanta ka qeybgalay xaflad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka oo loogu talagalay in ururka Nafada…

Gudaha
January 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo maanta agab caafimaad gaarsiisay Dhuusa-mareeb

Muqdisho:(SONNA-Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad…

Wararka
May 2, 2020

Diyaarad gargaar sidday oo ku buruburtay magalada Baladweeyne

Muqdisho:(SONNA)-Diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa maanta ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne waxaana laga badbaadiyay diyaaradda sadax ruux…

Wararka
July 14, 2020

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay go’aamo la xiriira waxbarashada sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada,dugsiyada  iyo sida ay lagama maarmaanka…

Wararka
April 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023