Muqdish(SONNA)–Mashruuc lagu horumarinaayo Garoonka Kubadda Cagta ee Mogadisho stadium ayaa maanta waxaa dhagax dhigay Wasiirrada Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Mashruucan Horumarinta ee dhismaha ah waxa uu ka kooban yahay Dhismaha xarunta ay ku shaqaynayaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, laba garoon iyo hotelkii stadium Muqdisho.
Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xildhibaan Khadiija maxamed Diiriye ayaa sheegtay in mashruucan uu wax badan uu ka badali doono isboortiga Dalka.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa dhankiisa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka go,an tahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada iyo u soo bandhigaan waxqabadka xukuumada ayna tusayaan in ay soo laabatay sharaftii ay lahayd dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirada dhallinyarada , Warfaafintaย iyo howlaha guud, iyo Xiriirka kubada cagta ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay xubno ka socda Gudiga qabanqaabada maalmaha xorriyada oo he’y,adaha dowlada ka kooban xubno ka socday Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyadoo garoonka stadium Mogadisho ay ku sugnaayeen ciidanka booliska soomaaliyeed oo gacanta ku haya ammaanka.