Muqdiaho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka wacyigalinta ceymiska Xoolaha oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Dhirta iyo Daaqa XFS.
Shirka oo ay ujeedkiisu tahay dhiiro gelinta nidaamka Caymiska Xoolaha oo ah barnaamij loogu talo galay in reer miyiga waxtar uyeesho marka ay abaarta jirto.
Wasiir Hassan Hussein Mohamed oo furitaankii shirkan ka hadlay ayaa sheegey in mashruucaan Ceymiska Xoolaha uu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada ayna tahay in ay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda”.
” Mashruuca Ceymiska Xoolaha wuxuu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada waana inay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda”.ayuu yiri wasiika