Rome (SONNA): Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo safar shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa la kulmay madaxa horumarinta xoolaha iyo Wax-soosaarkooda ee hay’adda FAO waxeyna ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caafimaadka Xoolaha, hagaajinta Calafka iyo cuntadooda.
Sidoo kale waxey ka wada Hadleen labada dhinac hagaajinta caafimaadka mideysan ( One Health) iyo sidii loo dardar-galin lahaa wax ka qabashada waxyeelada Cimilada saameynta ku leh Xoolaha iyo wax soo-saarkooda.