Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Faderaalka Soomaaliya mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda JF Soomaaliya ee magaalada New Delhi ee dalka Hindiya ayaa halkaas waxaa ku soo dhoweeyay Danjiraha dowladda Soomaaliya mudane Axmed Cali Daahir, qunsulka ahna Ku xigeenka safiirka mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo diblomaasiyiin kale.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay safaaraddu.
Intaasi ka dib, Danjire Axmed Cali Daahir ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Hindiya, sida uu yahay xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta ka dhexeysa heyโaddaha kala duwan ee dowladda.
Hindiya waxay uu ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan adeegyada kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga guud.